Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magalaada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimacale Madaale ayaa gaaray taliska Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa ujeeddada safarkoodu ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku cirib-goynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaaraha iyo duqa magalaada ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.
Ugu dambeyn, Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siinayso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.