Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa la shiray maanta dhamaan madaxda guddiyada qaybaha kala duwan ee suuqyada waa-wayn ee ku yaalla Muqdisho, waxaana ku wehliyay kulanka gudoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Mudane Galambi.
Kulankan ayaa hadafkiisu ahaa daahfurka diiwaangelin casriyeysan (digital registration) oo lagu sameynayo dhamaan ganacsatada ka hawlgasha Gobolka Banaadir.
Mudane Ciise Guure ayaa ka xubnihii ka qaybgalay shirkan la wadaagay ahmiyadda ay leedahay hirgelinta hawshan isaga oo tibaaxay in diiwaan-gelintan looga dan-leedahay in ay abuurto jawi kor u qaadayo daahfurnaanta canshuur ururinta iyo dabar-goynta musuqmaasuqa.
Sidoo kale، fulinta diiwaan-galintan waxay xoojinaysaa xiriirka wadashayn ee u dhaxeeya ganacsatada iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa ku xigeenka Duqa Caasimadda, Mudane Ciise Guure waxa uu madaxdii madasha shirka joogay ku dhiirri-geliyay in ay la shaqeeyaan howl-wadeennada diiwaan-gelintan casriga ah (digital registration), taas oo billaaban doonta todobaadkan.















