Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qayb-galay Shir looga Hadlay Amniga Caasimadda Dalka ee Muqdisho: SAWIRRO

0
281

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Benaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here