Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Shiinaha u jooga Somalia: SAWIRRO

0
374

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Mudane Xamse iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Danjire Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here