Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhameystirka dhismaha waddo laami ah oo dhaxmarta degmada Kaxda, iyada oo dhagax-dhigan ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.
Waddadan uu dhagax-dhigay Duqa Muqdisho, Mudane Madaale ayaa halbowle u ah isku socodka degmada Kaxda, waxaana jidkan Laamiga ah lagu dhisi doona masharuuca dalkaaga ku dhiso Hal doollar.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay inay sii socon doonan tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhiggeeda ah.





































