Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ciidanka XDS ugu Hambalyeeyay Sanad-guuradii 64-aad ee kasoo Wareegtay markii la Asaasay

0
247

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumadda DanQaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, isla markaana ay Xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo didaacaya Qarankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here