Qaybta Miino-Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waa mid ka mida ah fadhiyada ugu muhiimsan ee booliiska waana naftood-hurayaal u taagan inay ka badbaadiyaan ummadda Soomaaliyeed dhagarta Khawaarijtu la damacsan tahay. Qaybtan ayaa la asaasay sanadkii 2011-kii, waxaana u gaar ahaa loona aasaasay:
○ Burburinta haraadiga walxaha qarxa.
○ Fashilinta iyo furfuridda qaraxyada ay Khawaarijtu immadda u soo maleegto.
Tan markii la asaasay 10 illaa 15 qarax ayay bil walba ka badbaadiyaan bulshada. Gaashanle Dhexe Asad Cabdalla Siciid, ayaa si faahsan inooga warbixiyey shaqooyinka fadhigan iyo muhiimadda uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee dhanka ammaanka, kobaca dhaqaalaha, wadajirka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.
● Laanta Xaywaanka Afarta-addin (K9) oo ah qayb ka mid ah ciidanka miina-baarista booliiska, ayaa ah laanta muhiimad weyn ugu fadhida Qaranka.
Waa ciidan si joogta ah u qabta baaritaano casri ah, iyaga oo adeegsada xaywaanada afarta-addin (Eeyaha) u tababbaran.
Waxay baaritaanno ka sameeyaan gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan, Dekadda Muqdisho ee caalamiga ah, goobaha muhiimka ee ummaddu isugu timaaddo iyo goob kasta oo muhiim ah.
○ Garoonka waxa ay maalinkii si joogto ah u baaraan in ka badan 2150 oo boorso.
○ Dekadda waxay si joogto ah u baaraan ku dhawaad 170 gaari oo xaamuul ah.
Taliyaha Laantan Laba Xiddigle Warsame Xasan Axmed, ayaa ka warbixiyay guulihii ay gaareen iyo caqabadaha ay ka mid yihiin takoorka bulshada dhexdeeda ay ku qabaan.
Saraakiil ka tirsan hoggaanka diinta iyo dhawrista anshaxa ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka fadwooday wax ay diinteenu ka qabto isticmaal xaywaannada afarta-addin leh, gaar ahaan (Eeyaha).















