Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tabbabar u soo xiray 150 dhallinyaro ah oo muddo bil ah aqoon-kororsi ku saabsan culuunta saxaafadda, kambiyuutar, culuunta bulshada iyo caafimaadka ugu socday xarunta dhexe ee dhalinyarada Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa isla xarunta dhexe ee dhallinyarada Gobolka Banaadir tabbabar ku aaddan qiimeynta, daba-galka iyo qawaaniinta sharciga ugu furay boqollaal ka tirsan dhallinyarada Gobolka Banaadir.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ku-xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo la-taliyaha dhinaca sharciga ee Maamulka Gobolka Banaadir Avv. Maxamuud Cabdinuur (Abukaato Kitaabi).
Khudbad dheer oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu halkaas ka jeediyay ayaa waxa uu ku dheeraaday doorka dhallinyarada ee ku dhax leeyihiin bulshada Soomaaliyeed iyo sida maamulka Gobolka Banaadir ugu go’an tahay awood-siinta dhallinyarada, kobcinta aqoonta iyo sidii loogu heli lahaa shaqo abuur maadaama ay yihiin tirada ugu badan bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Gobolka Banaadir in laga faa’iideysto duruusta ay bixinayaan aqoonyahannada si ay u kobciyaan maskaxdooda, iyadoo laga fogaanayo maandooriyaha, isla markaana laga qeyb-qaadanayo sugidda Amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo garab istaagga dowladnimadda Soomaaliya. Iyadoona halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhallinyaradii tababbarka loo xiray.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda ayaa shir gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir, si uu mid-mid warbixin ku aaddan hawlahooda shaqo iyo caqabadaha jira ugu dhageysto. Waxa uuna kula dardaarmay in la dardar-geliyo hawlaha shaqo ee bulshada loo hayo. 














