SAWIRO: Duqa Muqdisho oo Xaflad Sagootin ah u sameeyay Wafdigii ka socday Dalka Jabuuti ee Muqdisho ku sugnaa

0
216

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay casho sharaf sagootin ah u sameeyay wafdiga Dowladda Jabuuti ee maalmahan Muqdisho u joogay ka qayb-galka bandhiga filim-ka dib-u-curushada Qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Diinta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ahna madaxa wafdiga, Mudane Muumin Xasan Barre ayaa Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay marti-soorka heerka sare ee uu u sameeyay wafdiga dalka Jabuuti, isaga oo xusay in ay taasi xoojineyso xariirka walaaltinimo, dhaqan iyo dhiig wadaag ee ka dhaxeeya labada shacab.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho Madaale ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti kaga mahadceliyay dadaalka iyo juhdiga ee ku soo bixiyeen dowlad-dhiska Soomaaliya iyo garab-istaaga hiilka walaalnimo leh oo ay weli ku taageerayaan dowladda Somalia, iyagoo weli u huraaya naftooda sidii xasillooni waarta loogu heli lahaa gayiga Soomaaliya.

Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa, wasiir u dowlaha wasaarada amniga XFS, xildhibaano ka tirsan BFS, danjiraha Dowladda Jabuuti u jooga Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Aqoon-yahanno, guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here