GUDDOOMIYE MADAALE: Madaxda iyo Shacabka Jabuuti waxay na garab-istaageen xilli aan baahi u qabnay: SAWIRRO + MUUQAAL

0
249

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaarsha dalka, guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyaha aqalka sare kala qayb-galay bandhiga filim-ka dib-u-curushada Qarannimada Soomaaliya ee sanadkii 2000 ee lagu soo yagleelay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

“Madaxweyne Ismaacil Cumar Gelle iyo dhammaan Shacabka reer Jabuuti waxay na kaalmaayeen xilli aan hiil iyo garab uga baahneyn, waana kaga mahadcelinaynaa,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale oo hadal qiimo badan ka jeediyay bandhigga loogu mahadcelinayay hoggaanka iyo shacabka Jabuuti.

Bandhigan oo Tiyaatarka Qaranka lagu qabtay waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro iyo mas’uuliyiin ka socda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo xasuusta taariikhda iyo waayaha laga soo maray dib-u-curushada Qaranimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here