Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.
Ururka G77 ayaa markii hore lagu asaasay 77 dal oo dalkeennu ku jiray tan iyo 15-kii Juun 1964-kii oo hadda 60 sano jirsaday, waxaana xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku.
Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.
Wasiirka ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh ee dalkeennu ka gaaray xagga Isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.
Sidoo kale, Waxa uu wasiirka kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda wufuudda shirka kasoo qayb gashay iyo kuwa dawladda martida loo yahay ee Cuba.
Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Somalia ku matalayay ayaa yiri: “Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkeynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhaw nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah”
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Dawladdeennu waxay marwalba mudnaanta kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is qaddarin.”