Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka xoogga iyo saxiibada Caalamka ay ka wadaan degaannada, Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle,halkaa uu ka soconayo dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo khawaarijta.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladaa oo billaawaday shalay walin socdaan jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo isku uruursaneyay degaanno dhaca wabiga jiingiisa, waxa uu timaamay in khasaaraha dib ay kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlgallo ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka sameyeen degaanka Qod-qod ay ku dileen 30-ka tirasan khawaarijta kuwa kalana lagu dhaawacay, sidoo kale ciidanka ay gubeen afar gaar, laba gaari oo kala iyo hub fara badana ay ciidamada Qaranka ay gacanta ku dhigeen.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay guulaha waaweyn oo ay shacabka iyo geesiyaasha ciidanka xoogga ka soo hoyeen hawlgallada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaa illaa khawaarijta laga xoreeyo dalka oo dhan.
Ugu dambeyn, Ciidanaka Qaranka ayaa sacadihii ugu dambeeya guula waweyn ka soo hooyay howlgallada ka dhanka ah kawaarijta iyo ciidamada saakay ay la waregeen degaannada Bacaadweyne, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.












