Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qayb-galayaan shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Somalia ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida, dhimista saboolnimada, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, xuquuqda aadanaha, caddaaladda, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.
Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM, wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulammo la yeelan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaalada dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.













