Duqa Caasimadda oo Xarigga ka jaray Waddo laga Hirgeliyay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
313

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Maagaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah, taasoo laga hirgeliyay degmada Yaaqshiid, iskuna xirta waddada Jeneral Daa’uud illaa dhismaha Dahabshiil, Suuq Bacaad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha kaabayaasha waddooyinka uu qayb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, isaga oo ugu baaqay qaybaha bulshada in ay ka qayb-qaataan barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar ee lagu horumarinayo Caasimadda.

Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, mudane Suleymaan Fargax, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, ganacsato, odayaasha degmada iyo qaar ka mid ah bulshada ku nool degmada Yaaqshiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here