Duqa Muqdisho oo gudoomiyay kulanka degmooyinka Caasimadda.

0
27
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Amniga, oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo guddoomiyeyaasha 20 ka degmo ee caasimadda.
Kulanka todobaadlaha ah ayaa looga hadlay Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Xoojinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta maamullada degmooyinka, Ka hortagga falalka amni-darrada dhaliya sida Maandooriyaha iyo la-dagaallanka burcadda abaabulan ee weerada ku gambada.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda iyo degganaanshaha ay aasaas u tahay horumarka guud ee dalka, islamarkaana maamulkiisu uu diiradda saarayo gaaridda in bulshadu nabad ku leddo.
Shirka ayaa soo saaray in la sii joogteeyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo daafaheeda, si’ aan loo wiiqin kobaca iyo horumarka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here