Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayay madaxa hay’adda UNICEF u qaabilsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Ms. Jill Lawler.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka Gobolka Banaadir, in la dadajiyo soo wareejinta adeegyada keydka talaalka (Transition cold chain) iyo in UNICEF ay qayb ka qaadato dhismaha keydka daawada ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ku bogaadiyay hay’adda UNICEF doorkeeda ku aaddan adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, wuxuuna ku boorriyay xoojinta wada-shaqeynta ay la leeyhiin agaasinka caafimaadka Gobolka Banaadir, si loo gaaro yoolka caafimaadka loo dhan yahay ee (UHC).


















