Madaxda Dalka ugu Sareyso ayaa Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Allaha Unaxariistee Majaajileeste Ajakis

0
193

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ahaa jilaa, majaajilayste iyo Barnaamij Soosaare qeyb weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo horumarka dalkeenna, isaga oo ummadda Soomaaliyeed u soo gudbin jiray sheekooyin faneed iyo barnaamijyo maandhis iyo madadaalo ah oo ka turjumaya jiheynta iyo wacyigelinta bulshada si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadeenna.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”

Ray’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey aya iyana ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) waxa ayn alle uga baryeen in naxariistiisa janno ugu deeqo eheladii iyo asxabtii u kabaxayna samir iyo iImaan alle hakasiiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here