Kulan muhiim ah oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiye ku Xigeen ka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Camir Shakeeti Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Sheekh Nuur iyo Guddoomiye ku Xigeenada Arrimaha Bulshada 17 Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta lagu qabtay Xafiiska Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Ujeedada Kulan ka ayaa ahaa sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, loona sii adkayn lahaa wada shaqaynta AWGB iyo Guddoomiye ku Xigeenada Arrimaha Bulshada Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa ka mid ah kulammo iyo qorshayaal Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir uu ku dardar gelinayo horumarinta iyo tayaynta Waxbarashada Gobolka Banaadir.














