Duqa Caasimadda oo Boqollaal ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin Salaadda Ciidda kula tukaday Barxad ku taalla Gubadleey: SAWIRRO

0
194

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa boqolaal isugu jiray shacab ah, odayaal dhaqan, mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo guddoomiyeyaal degmo salaadda Ciidul Adxaa kula tukaday dulleedka degmada Gubadleey ee magaalada Muqdisho.

Duqa Caasimadda ayaa salaadda ciidda kaddib khudbad uu ujeediyay bulshada ugu baaqay in la is-gargaaro, lana garab-siiyo bulshada kuwooda nugul, wuxuuna ku baaqay in lala shaqeeyo laamaha amniga, isla markaana loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta.

Sidii kale Mudane Xasan Muungaab ayaa bulshada ugu baaqay in loo dareero isdiiwaan-gelinta dadweynaha ee doorashooyinka qofka iyo codka, si ay u soo doortaan hoggaan ay kula xisaabtami karaan mas’uuliyadda ay u dhiibtaan, taas oo qayb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka la wareegay maalin ka hor, waxaana uu ka dhawaajiyay qorshayaasha uu doonayo inuu wax badan ka qabto 100-ka maalmood ee ugu horreysa muddada uu xafiiska joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here