Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay inaysan jirin canshuur cusub oo lasoo koedhiyay, balse la cuaboonaysiiyay qaabka loo bixinayo.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ganacsatada Soomaaliyeed laga qaadayo wixii ka dambeeyay 18-ka bishan Ogoosto oo berri ku beegan in 5% laga qaadi doono 100-kii doollar ee wax lagu iibsado, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kale u fasiray canshuurtan, taasoo keentay inuu madaxwweynuhu ka hadlo.













