Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre ayaa wareysi siiyay VOA-da, isaga oo ka hadlay shirarka muhiimka ah ee uu kaga qaybgalay New York.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa wareysigiisa ku sheegay inay shirka ujeeddooyinka xalka waara ee Qarammada Midoobay, isaga oo sheegay in khudbadii uu shirkaas ka jeediyay uu ku sheegay in wixii Somalia uga qabsoomay, waxa ay u baahan yihiinna uu ka sheegay.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in kulammo kale ay la yeesheen hay’ado iyo ururro caalami ah, waxa uuna xusay in waxyaabaha ay xoogga saarayaan ay tahay in laga shaqeeyo DFS dhinaca amniga, maadaama dagaal lagula jiro Khawaarijta.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in qorsha ay wataan ay tahay in cuno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, daymahana laga cafiyo, si ay fursad ugu helaan in dib loo kobciyo dhaqaalaha dalka.













