Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta si rasmi ah xarunta Degmada Warta Nabadda ka furtay Tartanka Cayaaraha Fustalka ee Bisha Ramadan, kaasi oo lagu wacyigelinayo Dhalinyarada isla markaana qeyb ka ah Barnaamijyada lagula dagaalamayo Maandooriyaha.
Furitaanka Tartankaan oo ay kasoo qeybgaleen Bulshada Qeybahooda kala gedisan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Zeynab Xaabzay iyo Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) iyadoona lagu wado in tartankaan uu Degmada Warta Nabadda ka socdo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.