Qoraal kooban oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii ay xalay magaalada Muqdisho ku gaareen Dowlada Federalka iyo Midowga Musharaxiinta.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska uu ahaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, laguna dhowray danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gaar ahaan Caasimadda.
“Beesha Caalamka waxay si diiran u soo dhawaynanayaan heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay saaxiibada Beesha Caalamka.
Wexeey tilmaameen in heshiiska uu ku dhiiragelinaayo dhammaan ka qayb galayaasha inay sii wadaan wadahadaladooda, si ay u xalliyaan mawduucyada kale ee harsan iyo inay muujiyaan isku tanaasul iyo niyad wanaag.













