Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulammo la yeeshay Xoghayaha Guud ee QM, Madaxweyne Joe Biden iyo Mas’uul sare oo ka tirsan IMF-ta: SAWIRRO

0
311

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka oo uu uga qaybgalayo shirka guud ee qaramada midoobay, ayaa kulammo kala duwan la kala qaaray mas’uuliyiin kala duwan, waxa uuna kulammadii ugu dambeeyay la kala yeeahay; xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres, madaxweynaha Mareykanka, Jo Biden iyo agaasimaha sanduuqa lacagta adduunka IMF-ta, Mahmoud Mohieldin.

Kulankii Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Kulankii Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Kulankii Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF-ta.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here