Duqa Muqdisho oo kulan dhiiragelin ah la qaatay agoonta Booliska

0
402

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan dhiiragalin ah la qaatay caruurt Agoonta Boliiska Soomaaliyeed ee lagu daryeelo xarunta taliska boliiska ugu talagalay caruurtaas.

Kulankan dhiiragalinta waxaa goob joog ka ahaa taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil kale, iyadoo caruurta Agoonta ah ay goobta kusoo bandhigeen ciyaara dhaqmeed iyo suugaan kala duwan oo ka hadleysay qiimaha ay lee dahay Wadaniyada iyo dib-udhiska dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in garab istaaga iyo daryeelka caruurta Agoonta Soomaaliyeed ay tahay waajib wadareed saaran qof kaste oo Islaam ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here