Agaasimaha idaacadda codka caasimadda ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdinaasir Xersi Iidle ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee helitaanka xogta oo sanad walba 28-September laga xuso caalamka.
Munaasabadda oo ka dhacday safaaradda Mareykanka ee Muwdisho, waxa qabashadeeda iska kaashaday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo ururka saxafiyiinta NUSOJ.
Waxaa kulanka furay wasiirka warfaafinta XFS, mudane Daa’uud Aweys oo shirka uga qaybqaatay farriin uu soo diray, waxa uuna ka hadlay muhiimadda helitaanka xogta iyo in ay diyaar u tahay Dowladda Somalia inay bixiyaan xogta haddii ay soo gasho.
Agaasime Cabdinaasir Iidle oo ka hadlay muhiimadda helitaanka xogta ayaa si weyn u bogaadiyay baarlamaanka federaalka Somalia iyo maamulka Gobolka Banaadir oo maalin walba la helo xogtooda, waxa uuna dhinaca kale kula dardaarmay wariyeyaashu in ay muujiyaan mas’uuliyad marka ay xogta helaan, kana fogaadaan wararka aan jirin oo dhibaato keeni kara.
Ku-simaha safiirka Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Shane Dixon ayaa dhankiisa sheegay in uu bogaadinayo kulankan qiimaha badan, ayna diyaar u yihiin taageerada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo dhisidda nabadda oo ay ku jirto taageerada iyo horumarinta saxaafadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Safiirka Ingiriiska ee Somalia ayaa xusay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay helitaanka xogta isagoo tusaale u soo qaatay dagaalka lagu ka jirto kooxda Khawaarijta. Safiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in qof kasta uu xaq u leeyahay in uu akhbaar helo.
Wakiilka UNESCO, Mss. Misaco Ito ayaa sheegtay in Afika 27 dal oo ay Soomaaliya ku jirto dhibaato lagu qabo helitaanka xogta, waxa ayna intaas ku dartay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan saxaafadda Soomaaliya.
Cali Maxamuud Cumar (Cali Balcad), Wasiir-u-dowlada arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in laga fogaado wararka beenta ah oo la raadiyo wararka runta ah, waxaadna xaq u leedihiin inaad soo gudbisaan wararka saxda ah idinka oo mas’uuliyad muujinaya, wax walba oo ummadda dhibaya waa in laga taxadaro iyada oo aan qofna loogu darnaaneyn.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xamse Cabdi Barre oo farriin muuqaal ah uga qaybgalay shirka, waxa uuna yiri: “Si waafaqsan sharuucda dalka iyo qodobka 32-aad ee dastuurka dalka, waxa uu qof walba xaq u leeyahay in uu dowladda xogta ka helo. Tan kale, qodobka ugu dheer dastuurka Soomaaliya wax uu ka hadlayaa xuquuqda aadanaha. Helitaanka xogta saxda ah ee warbaahintu ka hesho dowladad waa qayb ka mid ah hufnaanta dowladda, waxaa xaq naloogu leeyayay in xogta nalaga helo dhinacyada siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada.”
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “War helaa talo hela.”
























