Maamulka Degmada Cabdulcasiis oo Deeq Raashin ah u Qaybiyay Dadka Danta yar: SAWIRRO

0
535

Maamulka degmada Cabdulcasiis ee Gobolka Banaadir ayaa maanta raashin gargaar ah oo ay ku deeqday Dowladda Saudi Arabia u qaybiyay 800 qoys oo dan-yar ah.

Deeqdan loo qaybshay dadka ku nool degmada Cabdicasiis ayaa waxay isugu jirtay; Timir, Bariis, Sokor, iyo Saliid. Dadkii loo qaybiyay ayaa ka mahad-celiyay gargaarka loo qaybiyay.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga Degmada Cabdulcasiis, Mudane Maxamed Xasan Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay ka mid tahay deeqo horay loogu qaybiyay dadka ku nool degmada, ayna jiraan deeqo kale oo shacabka loogu talo-galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here