Guddoomiye Madaale oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan ilaalada deegaanka Xamar: SAWIRRO

0
477

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar oo muddo 3-bil ah tababar ku qaadanayay dugsiga Jen. Kaahiye.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar G/sare Maxamed Carabow Cali, taliyeyaasha qaybta guud ee booliiska iyo nabadsugidda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal, ururka haweenka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Yuusuf Madaale oo xiritaankii khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar leeyihiin iyo baahida loogu qabo Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxa uuna xusay in Ciidankan ay noqon doonaan kuwo dar-dargeliya shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horreeyaan faya-dhowrka, sare u qaadida dhakhliga, nadaafadda, bilicda Caasimadda, anshaxa iyo adeegyada kale ay u baahan yihiin bulshada Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here