Guddoomiye Madaale oo kafaalo qaaday daryeelka gabdhaha agoonta ah oo wax lagu xarunta Ummu Caa’isha: SAWIRRO

0
527

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeer ku tagay iskoolka Ummu Mu’miniin Caa’isha ee degmada Xamarweyne oo ah xarun lagu xannaaneeyo wax lagu baro 173 gabdhood oo agoon ah.

Kormeerka guddoomiyaha waxaa ku wehliyay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan iyo agaasimaha waaxda horumarinta adeegyada waxbarashada gobolka Banaadir, mudane Maxamed Cabdi Cujub.

Guddoomiye Madaale ayaa mid-mid u kormeeray fasallada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan, isaga oo warbixin kooban ka dhageystay maamulka xarunta daryeelka Ummu Aisha, waxa uuna ku ammaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab-istaagga caruurta agoonta ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Madaale ayaa ballan-qaaday in uu had iyo jeer garab-taagan yahay barnaamij kasta oo lagu horumarinayo nolasha carruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar, isaga oo si gaar ah u kafaala-qaaday in uu maamulka Gobolka Banaadir la wareegay mas’uuliyadda daryeelka gabdhaha agoonta ah ee xarunta Ummu Mu’miniin Caaisha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here