Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay shirka Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
378

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlay dardar-gelinta hawlaha degmooyinka iyo qorshayaasha hortebinta u leh maamulka gobolka Banaadir sanadka soo socda ee 2024-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira gobolka Banaadir, isaga oo maamullada degmooyinka iyo deegaannada kula dar-daarmay xoojinta amniga caasimadda, la-dagaallanka maandooriyaha iyo in la isku xiro bulshada iyo laamaha amniga si loogu hortago wax walba oo liddi ku ah amniga.

Ugu dambeyn Duqa Muqdisho ayaa faray maamullada degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir in si wadajir ah looga shaqeeyo nadaafada iyo bilicda caasimadda, isla markaana la iskula xisaabtami doono gaabis weliba oo ku yimaada adeegyada loo hayo bulsho ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here