SAWIRRO: Guddoomiye Yabooh oo dhagax-dhigay waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo Degmada Yaaqshiid

0
451

Guuddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo Interlock ah oo laga hirgelin doono suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyada oo dhagax-dhiggan goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Suleymaan Fargax.

Dhismaha waddadaan ayaa muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka suuq Bacaad, isla markaana hirgelintiisa ay baahi weyn u qabeen bulshada deegaanka sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Yaaqshid.

Ugu dambeyn, Guuddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan tallaabooyinka lagu horumarinayo dib-u-dhiska iyo bilicda Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here