Shir-madaxeed looga hadlayo dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo shirkan qaybtiisa hore ay yeeshay taliyeyaasha dalalka safka hore ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Soomaaliya.
Taliyeyaasha dalalka; Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa shirkooda ku lafa-guray xaaladda dagaalka lagula jiro argagaxisada, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan dagaalkaas.
Kulanka labaad ayaa waxaa yeelanaya wasiirrada gaashaandhigga dalalka safka hore, waxaana ay dajin doonaan ajendayaasha ay madaxweynayaasha dalalkooda iyo madaxweynaha Soomaaliya ay uga hadli doonaan hawlgallada socda.
Madaxda dalalka dariska ee ciidamadoodu ay qaybta ka yihiin ciidamada ATMS ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo dhammaado shirkooda ay ku caddeeyaan warmurtiyeedkooda kaalintooda dagaalka lagula jiro Khawaarijta oo ciidanka Soomaaliya ay ku guuleysteen inay dhul ballaaran ka saaraan argagaxisada.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay noociisa oo ay martigeliso dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii lasoo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.













