Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay madaxa barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Bill & Melinda Gates Foundation, ahna madaxa guddiga la socodka cudurka dabeysha Dr Chris Elias.
Kulanka qaabilaada waxaa qayb ka ahaa ku-simaha wasiirka caafimaadka ahna wasiir-u-dowllaha wasaaradda caafimaadka, Dr Maryan Maxamd Xuseen iyo wasiir ku-xigeenka wasaardda caafimaadka Dr Maamad Xasan Maxamad, sidoo kale hay’addaha caalamiga ah ee taageera hormarinta caafimaadka ee WHO, UNICEF, UNFPA,
Ujeeaddada kulanka ayaa ahaa mid diiraadda lagu saarayay siyaasadda iyo qorshayaasha muhiimka ah ee ku aaddan wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adda caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka dalka, gaar ahaan sidii loo ciribtiri lahaa cudurka dabeysha iyo sidii loo tayaynta nidaamka caafimaadka dalka.














