Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ugu jaray waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada cusub ee loogu magacdaray madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka, taasi oo muhiim u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig-jarka waddooyinkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.



















































