Tartanka K/Cagta ee Waaxyaha dowladda hoose oo la soo gabagabeeyay+SAWIRO

0
99

Kooxda Waaxda Shaqada iyo Shaqalaha iyo Maaliyadda ayaa ku guulaysatay tartankii kubadda cagta ee Waaxyaha gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, kadib markii ay fiinalka kaga adkaatay kooxda Waaxda Dad-Dhigista.

Kulanka Finaalka oo ka dhacay xarunta degmada Boondheere ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir , Agaasimaha Shaqada Iyo Shaqaalaha, Agaasimaha Dad-dhigista, Guddoomiyaha Degmada Bondheere iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Waaxyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka waxa uu kusoo idlaaday 5-2 oo guusha ay ku raacday kooxda Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maaliyadda oo Noqotay horyaalka Waaxyaha Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here