Gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis oo xilka la wareegay.

0
140
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shibis Mudane Axmed Cabduqaadir Cali {Buux} iyo Guddoomiyihii hore ee Degmada Md. Cali Axmed Cabdulle.
Guddoomiye Yabooh ayaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Shibis Md. Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) ku amaanay howlihii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shibis Md. Axmed Cabduqaadir Cali {Buux} kula dardaarmay in uu mudnaanta siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.May be an image of 6 people, dais, newsroom and text
Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shibis Md. Axmed Cabdulqaadir Cali, ayaa ka codsaday bulshada Degmada Shibis in ay kala shaqeeyaan horumarinta Degmada, waxaana munaasabadda xilwareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Shibis.
May be an image of one or more people and crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here