Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay la dagaalnka Maandooriyaha

0
15

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Kulanka wadatashiga ee ladagaalanka Muqaadaraadka kaas oo lagu qabtay xarunta degmada Kaxda.

Kulankan oo qeyb ka ah ololaha uu maamulka gobolka Banaadir ka wado degmooyinka Muqdisho kaas oo looga hortagayo Daroogada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa maanta lagu qabtay degmada Kaxda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaano, gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kaxda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Muqaadaraadka uu dhibaata xoogan ku haayo xasiloonida Caasimadda iyo bulshada islamarkaana ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here