Sawirro: Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Jidka Via Moscow ee isku xirta buundooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab

0
430

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud iyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow oo isku xirta buundooyinka degmada Xamarjajab iyo waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daagax-dhigga waxaa ka ahaa goobjoog guddoomiyaha degmada Xamarjajab iyo guddoomiyaha degmada Waaberi. Iyada oo Duqa Muqdisho uu kula dardaarmay shacabka degmooyinkaas in ay ka qayb-qaataan bilicda, nadaafadda iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horreyso waddooyinka dib loo dhisaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here