Duqa Muqdisho oo Deeq lacageed oo ay ku ciidaan guddoonsiiyay dadka bahiyaha gaarka ah qaba iyo qoysas Ajaanib ah: SAWIRRO

0
214

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq lacageed oo ciid-siin ah u qaybiyay qaar ka mid dadka baahiyaha gaarka ah qaba, haweenka waayeelka ah, agoonta, dadka nugul iyo muwaadiniinta u dhashay dalalka Syria, Yemen iyo Falastiin ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan ciid-siinta ah (Deeqda Lacageed) oo sanadkii labaad uu bixinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa loogu tala-galay in dadkan nugul ay ugu qayb-qaataan farxada ciidul fidriga.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka illaahay wax siiyay in ay kaalin ka qaataan garab istaagan dadka nugul, kuwa baahiyaha gaarka qaba iyo walaalaha u dhashay dalalka Syria, Yemen iyo Falastiin ee ku nool caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here