SAWIRRO: Tababar loo furay guddiga xasilinta Khilaafaadka Dhulalka iyo waaxyaha kale ee xiriirka la leh arrimaha dhulka

0
457

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax ayaa daah-furay tababar sare loogu qaadayo awoodda maamul iyo tan farsamo ee guddiga xallinta khilaafaadka dhulalka iyo waaxyaha kale ee xariirka la leh arrimaha dhulka, kaasoo socon doonna muddo 5 cisho ah.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah fulinta qorshaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee ku aaddan xal u helida khilaafaadka iyo muranka ka dhasha dhulalka.

Munaasabadda furitaanka tababarkan waxaa goobjoog ka ahaa isku-dubaha xafiiska xallinta iyo dib-u-heshiisiinta maamulka gobolka Banaadir, la-taliyeyaal sare, maareeyaha machadka tababarrada, guddoomiyaha guddiga khilaafaadka dhulalka iyo aqoonyahanno ku taqasusay shuruucda iyo xalinta khilaafaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here