Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar, isaga oo gaarsiiyay deeq isugu jirta; geel, raashiin, dhar iyo agabyo kale oo baahi looga qabo xabsiga.
Kormeerka uu duqa Muqdisho ku tagay maanta xabsiga dhexe ayaa daba socda ka jawaabidda booqasho ay maalmo ka hor halkaasi ku tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) taasoo ay ugu kuurgaleen xaaladda dhabta ah iyo baahiyaha ka jira xabsiga dhexe ee Xamar.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in deeqdaan ay billow u tahay ka jawaabidda baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira xabsiga dhexe, waxa uuna xusay in maamulka gobolka Banaadir ay gacan weyn ka geysan doonaan garab-istaagga iyo taageeridda xabsiga dhexe ee Xamar.
Ku-simaha taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar oo Duqa Caasimadda kala wareegay deeqda ayaa waxa ay ka mahad-celiyeen sida maamulka gibolka Banaadir ay ugu soo jawaabeen wax ka qabashada xaaladaha kala duwan ee ka jira xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Ugudambeyn, Booqashadan waxaa qayb ka ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee G/Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar-Jajab, Warta Nabadda, agaasimeyaal iyo saraakiil kale.




























