SAWIRRO: Guddoomiye Ciise Guure oo ka Qayb-galay Munaasabad lagu xusayay shacabkii ku shahiiday Qaraxii Soobbe ee 29-kii Oktoobar 2022-ka

0
249

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Guure ayaa ka qayb-galay munaasabad xus iyo xasuus ah looguna duceynayay dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxisadaku ay 29-kii bishii Oktoobar ee 2022-ka ka fuliyeen isgosyka Soobe oo maanta lagu qabtay isla goobtii uu weerarku ka dhacay maanta oo kale.

Munaasabaddan oo lagu muujinayay sida aysan bahda waxbarashada u niyad-jabin karin beegsiga Khawaarijta dooneysa bulsho aan wax-baran oo ay dulleystaan ayay si weyn kaga soo qayb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Waxaa munaasabaddan goobjoog ka ahaa wasiiradda caafimaadka, waxbarashada, arrimaha gudaha yo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here