Guddoomiyaha degmada Kaxda, mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xarriga ka jaray waddo jay ah oo laga hir-galiyay waaxda seddexaad ee Cumar Fiyasko ee degmada Kaxda, iyada oo waddadaan ay noqon doonto mid ka qayb-qaadata fududeynta isku socodka dadka iyo gaadiidka ee degmada Kaxda.
Qaybaha kala geddisan ee bulshada degmada Kaxda ayaa ka mahadceliyay dhismaha waddadaan, waxa uuna Guddoomiyaha degmada Kaxda kula dardaarmay shacabka in ay ilaashadaan waddooyinka si ay u helaan wado nadiif ah.


































