Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay deegaanka Garasbaaley ee Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolku uu kulammada noocan ah waday xilliyadii u dambeeyay.
Mudane Yabooh ayaa in kulamadan meel hoose laga soo billaabay caawana ay marsyaan in lagu qabto Garasbaaleey oo ku taalla cirifka magaalada, isagoo arrintan ku tilmaamay mid lagu farxo.
“Inaan caaww halkaan kulan looga horjeedo cadowga ku qabanno, waa mid Alle looga mahadceliyo, sidoo kalena waxaan uga mahacelinaynaa ciidanka ka hawlgala deegaanka iyo kuwa kale ee u yimid inay amniga sugaan” ayuu yiri Yabooh oo tilmaamay in cadowga looga adkaan karo isku duubni iyo wadajir.
Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed Axmed Yabooh ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sharaf u tahay in kulankaan la qabto oo wasiirro ka tirsan dowladda ay ku sugnaadsan Garasbaaley.
“Waxaan qorsheynaynaa inaan meelo halkan ka fog aan kulammo noocan oo kale ah ku qabanno… waxaana wasiirrada kusoo dhaweynaynaa deegaanka Garasbaaley oo ka mid ah meelaha ugu badan ee hawlaha cadowga looga horjeedo ay ka dhacaan” ayuu hadalkiisa raaciyay ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Banaadir.
“Hal-ku-dhigyada boorka ku qoran, waxaan jeclaan lahaa in lagu daro ciyaal-weerada oo iyaguna ka mid ah kuwa dhibaatada ku haya amniga degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood. Waana in loola dagaallmo sida loola dagaallamyo kooxaha khawaarijta ah. Waayo waa kuwo dhibaato ku ah, amniga caasimadda, nafta dadka iyo hantidooda.
Ugu dambeyn, Kukankii xalay ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo muddo toddobaad ku siman lagu qabto degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la isku baraarujiyay in meel looga soo wada-jeesto; Khawaarijta, Daroogada iyo Ciyaal-weerada oo dhibaato ku ah amniga shacabka ku nool Muqdisho.













