Agaasimaha waaxda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Gobolka Banaadir, Sheekh Cabdullaahi Axmed Garruun iyo madaxa akadeemiyada culuunta Qur’aanka gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Daahir ayaa maanta tababar soconaya muddo saddex maalmood ah uga furay magaalada Muqdisho 60 macallin oo ka mid ah macallimiinta dugsiyada Qur’aanka gobolka Banaadir.
Tababarka waxaa kasoo qayb-galay mashaa’ikh kala duwan oo ay ka mid yihiin guddiga garsoorka tartamada Qur’aanka iyo Culummaa’uddiin kale.
Ugu dambeyn, Tababarkan waxaa taabba-geliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.














