Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo uu wehliyo Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo hay’adaha Caalamiga, Mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay midowga ganacsatada magaalada Konya, iyaga oo ka wadahadlay fursaadaha ganacsi iyo wax-is-dhaafsiga labada magaalo ee Muqdisho iyo Konya.
Labada Maamul ee Muqdisho iyo Konya ayaa isla qaatay in laga faaโiideysto fursadaha ganacsiga ee labada magaalo ka jira. Iyadoo Magaalada Konya loo iib-geyn doono qudaarta noocyadeeda kala geddisan iyo kaluunka, halka Muqdisho loo iib keeni doonno qalabka dhismaha, qalabka beeraha iyo maalgashiga dhinaca warshadaha si looga maarmo in Somalia loo soo dhoofiyo miraha dhirta dhulkeenna lagu beeri karo.

















