SAWIRRO: Xiddig Muhiim u ah Bayern Munich oo u Wareegaya Kooxda Al-Nassr ee Sucuudiga

0
348

Xiddigga kasoo jeeda Dalka Senegal ee Sadio Mane ayaa soo gunaanaday xilligiisii kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo hal sano uu joogay, waxa uu heshiis la galay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Nassr, halkaas oo ay horay u adeen qaar ka mid ah xiddigihii ay xafiiltami jireen.

Wakiilka Sadio Mane iyo kooxda Al-Nassr ayaa isla gaaray heshiis laacibkan uu ku tegayo horyaalka dalka Sucuudiga oo uu qandaraas dhawr sannadood ah qalinka ugu duugayo.

Mane oo 33-jir ah ayaa ka mid noqonaya cayaartoyda ugu mushaharka badan kubadda cagta dunida, inkasta oo aan wali la helin faahfaahin buuxda oo ku saabsan heshiiskiisa Al-Nassr.

Sidoo jale, Sadio Mane oo Bayern Munich ay sanadkii hore kasoo iibsatay Liverpool ayaa la dhibaatooday dhaawacyo marar kala duwan gaaray, kuwaas oo sababay in uu waayo boos joogto ah oo uu galo kayd.

Labada kooxood ee Bayern Munich iyo Al-Nassr ayaa la sheegay in hadda ay qarka u saaran yihiin inay gaaraan heshiis buuxa oo ay ku kala iibsanayaan Sadio Mane.

Ma jiro farqi badan oo u dhexeeya Munich iyo Al-Nassr, waxaana marka heshiiskiisa la shaaciyo uu noqon doonaa ciyaartoygii saddexaad ee xulka Qaranka Senegal ka tirsan ee ka cayaara Sucuudiga, waxaana ka horreeyey Memdy iyo Kalidou Koulibaly.

Ugu dambeyn, Sadio Mane ayaa wxay isku koox noqonayaan ciyaartooy caalamka si weyn looga yaqaan; sida Cristiano Ronaldo iyo Brozovic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here