Duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo kormeer ugu tagay ciidanka xasilinta ee ku jira xerada Hiil-weyne: SAWIRRO

0
381

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magalaada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagay ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida booliska u hawlgala (Polizia Militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ra’iisul wasaaraha iyo duqa caasimadda ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo kooban.

Sidoo kale, Waxa uu xusay in Muqdisho ay maanta dhanka amniga la mid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala dambeynta caasimadda,

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa xerada Hiil-weyne, waxa uu kulan looga hadlayay dardar-gelinta ammaanka caasimadda la qaatay hay’adaha amniga iyo maamulka fobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo Wasiirka 1-aad ku wehliyey kormeerka; wasiirka gaashanadhigga, taliyaha NISA, wasiirro, xildhibaanno, ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir Iyo saraakiil ka tirsan booliiska iyo milatariga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here