Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shirka gudiga amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaanada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.
Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyada oo sidoo kale lagu dhiirri-geliyay ciidanka booliiska ee u tababaran sida milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay ku bixinayaan amniga caasimadda.
Ugu dambeyn, Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.














