Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa xarigga ka jaray dib-u-dhis lagu sameeyay jardiinka Umberto Di Savoia ee ku yaalla degmada Xamar-weyne, halkaas oo ah goob nasiino iyo dalxiis oo taariikhi ah.
Duqa Caasimadda ayaa ujeeddada dib-u-dhiska loogu sameeyay Jardiinkan ku sheegay inay tahay in bulshadu ay helaan goobo ay u soo nasiino iyo dalxiis tagaan, maadaama jardiibkaan uu ka mid yahay goobaha faca weyn ee taariikhda ku leh Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Munaasabada xarig-jarka jardiinka Umberto Di Savoia waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, xoghayaha guud, agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.





































